Garasho-wadaag waa barnaamij ka baxa idaacadaha maxalliga ah ee Galmudug. Barnaamijkaas waxaan ku soo bandhigi doonnaa doodo diiradda saaraya bulshada, arrimaha is-bedelka cimilada, khilaafaadka, dib u heshiisiinta iyo nabadda .. taas waxaan u mari doonnaa heeso wacyigelin ah, gabay, sheekooyin, ruwaayada iyo wareysiyo -- barnaamijku waxuu dhiirri gelinayaa in arrimahaas aan kor ku soo xusnay laga gaaro fahan wanaagsan. Sadexdii usbuucba hal mar yauu ba waxuu bixidoonaa. Garasho-wadaag waxaa soo jeedin doono Maxamed Dhagacadde oo ah blogger reer Galmudug ah asagoo la kaashanaaya hayàdda Berghof Foundation oo ay taageereyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.
Podchaser is the ultimate destination for podcast data, search, and discovery. Learn More