Talaabada ugu horeeysa ee xanuunkasta uga soo kabsano/bogsoono ayaa ah in gabi ahaan aad ku qanacnaa meesha aan joogno iyo sida ay wax inoogu dheceen. Ku qanciddu maahan in aan ku faraxsanahay sida ay wax inoogu dheceen. Madaama aan awood u leheyn in aan wax ka badalno wixii tagay, waxaa nala gudboon in ku sabarno kuna qanacno. Marka aan ogolaano oo ku qabacno xaladan ku suganahay kadib ayan qaadi karnaa talaabo aan ku wanaajineno hiigsigeena mustaqbalka.