Kulankan oo ay soo agaasimatay AVALITES Foundation waxa uu ka qabsoomay xarunta Boorama Youth Job Center 07/Nov/2019 waxana lagu gorfeeyay muujinta dabaqadaha, shakhsiyadaha, dhaqan naqdinta iyo doodaha falsafadeed ee sheekada Ibraahim Hawd Yuusuf ee Saddex Nafood.
Qodobadda Gorfayntu Awoodda Saartay:
- Maxay macno leedahay in aan akhrino, wadar iyo qof ahaan ba, sheekafaneed Soomaaliyeed?
- Waayaheenu se muxuu ka dalbanayaa akhrinta sheekafaneeddan gaaban?
- Saddex Nafood ma noqon kartaa maaddo gorfayneed? Sidee bay se gorfayntaasi, dood ahaan, u eekaan kartaa? AVALITES FOUNDATION waa haayad dhaqan (culture) oo awoodda saarta qofka iyo dheefta uu ka dhaxlayo shaqooyinka aqooneed.
Podchaser is the ultimate destination for podcast data, search, and discovery. Learn More